Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka oo Booqday Saldhiga Turkiga ee Muqdisho

Date:

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa Maanta booqday Saldhiga Dowlada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, halkaas uu ka socdo tababar tayo sare leh oo la siinayo ciidamo gaaraya 400 oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen iyo ciidamo.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Turkiga ee Tababarka siineysa Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna ka dhageystay warbixin ku saabsan sida Tababarka uu u socdo, isagoo sidoo kale mid mid u kormeeray qeybaha Cuntada, Jiifka, Tababarka iyo Fasalada ay ku wax ku bartaan ciidamada.

Intaas ka dib Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa khudbad dheer u jeediyay Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo Ciidamada Tababarka uu u socdo, isagoo ku booriyay in ay tababarka si wanaagsan kaga faa’iideystaan, maadaama uu yahay mid tayo fiican leh isla markaana ay tahay fursad qaali ah oo ay ciidamada u heleen inay ku tababartaan Saldhigan leh adeeg kasta oo ka jira Saldhigyada caalamka, wuxuuna ku dhiiri galiyay ciidamada inay yihiin Madaxda Mustaqbalka lagana doonayo inay si wadaniyad iyo dal jaceyl ku jirto wax u bartaan si ay dalka u hoggaamiyaan cadowga Nabad diidka ahna ula dagaalaan.

Taliya Ciidamada Xoogga ayaa sidoo kale u mahad celiyay Saraakiisha Dowladda Turkiga ee tababarka bixineysa, wuxuuna si guud dowladda Turkiga ugu amaanay Taliyaha doorka ay ku leedahay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka, oo guud ahaan la doonayo inay la wareegaan amniga dalka.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...