Gen Osman Nuur Subagle oo dhameeystay waqtigiisa uu hugaanka u hayay howlgalka AMISOM-(sawirro)

Date:

Gen Osmaan Nuur  Subagle ayaa ugu horreynba  sharaxay sidii ay AMISOM qeyb kaga aheyd doorashooyinkii  lagu soo doortay Madaxweyne Maxmed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxa uu sheegay in geedi socodka howlaha nabad gelyada iyo u taba-baridda howlaha amniga iyo farsamo ee xilligii doorashooyinkii   eey kaalin weyn ka qaateen .

xiriirka ka dhexeeye ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayuu sheegay in uu sii xoojiyay isagoo qiray  xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya ciidamada AMISOM  iyo kuwa Soomaaliya  sida uu u sheegay SNTV.

Mar wax laga weydiiyay arrimaha ku saaabsan shilalka eey ciidama AMISOM  galaan in eey sabab u tahay xirfad la’aanta xagga ka xeeynta wadida gawaarida ayuu iska diiday GEN jiritaanka arrintas, taa badalkeeda wax  uu sabba kaga dhigay in eey jireen ciriira xagga wadooyinka ah iyo shaki  amni taasi oo badi uu sheegay in eey kalifto shilalka.

Hadii ay jiraan in eeysan AMISOM bixin wax mag-dhow ah  marka eey  galaan shil, su’aal aheyd  ayuu kaga  jawaabay in  uu jiro xafiis laga diiwaan geliyo dhibanayaasha oo waqtigiisa uu xilka taliska haayaay uu aad u dar-dar geliyay in eey bixiyaan mag-dhow marka eey shil galaan ciidamada  AMISOM

ugu dambeyn Gen Subagle   ayaa  ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in eey ciidamadooda u qiraan  in eey yihiin ciidama qaran isagoo intaas raaciyay in dowladnimada fursad la siiyo si eey u hesho waqti lagula xisaabtami karo.

Gen Osmaan Nuur Subagle ayaa xafiiska  ka tegi doono maalmo kadib, waxa uuna xilka ku wareejin doonaa taliya cusub ee loo soo magacaabay howlgalka AMISOM.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...