Trump oo loo jeediyay in uu xayiraadda ka qaado Soomaalida..

Date:

Ergayga gaarka ah ee hay’adda qaxootiga adduunka ugu qaabilsan Soomaalida, danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa ugu baaqay dawladda Maraykanka inay ka laabato go’aankaas, isagoo sheegay in dadka Mareykanka loo qaadayo ay yihiin kuwa ugu nugul qaxootiga.

Danjire; Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay inuu hoos u dhac ku yimid tan iyo intii la doortay Donald Trump qaxootigii Soomaaliyeed ee Sanad walba geli jiray Dalka Marayknka,

Sanaddii 2015 ayuu sheegay inay baxeen 7074, halka 2016-diina ay 10’000, heleen dib u dejin, sanaddii 2017-diina la qaabbilay,2000 oo keliya, balse wuxuuna sheegay inay Sanadkii inna dhaafay hay’adaha socdaalku diiwaan geliyeen ku dhawaad 20,000 oo Qof, balse uu saamayn ku yeeshay go’aankii Donald Trump eek u aaddanaa soo galootiga.

Dadka Soomaaliyeed ee muddada dheer ku xannibnaa xeryaha qaxootiga Adduunka gaar ahaan Bariga Afrika ayaa u badan Dad jilicsan oo ay ku jiraan Dad xanuunsan oo u baahan adeegyo caafimaad.

Maxamed Cabdi Afeey ayaa u sheegay maamulka Trump inay Soomaalidu yihiin Dad fir-fircoon ooh al-Abuur leh, kuwaasoo wax weyn kusoo kordhin kara gudaha Dalka Maraykanka.

Xigasho/VOA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...