Mr Keating oo ku ammaanay Soomaaliya dadaalada dhaqalaha, siyaasadda iyo xallinta khilaafaadka,,

Date:

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, oo la hadlay golaha amniga ayaa sharaxay waxa Soomaaliya ay ku guuleysatay iyo caqabadaha ku gudban maamulka madaxweyne Farmaajo, muddada sannadka ku dhow ee uu xilka hayo.

Keating ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameysatay qorshe qaran oo ay ka mid yihiin isbedel dhaqaale, shaqa abuur, siyaasad loo dhan yahay, iyo isbedelka laamaha amniga.

Balse Keating wuxuu qiray in Soomaaliya ay weli wajeheyso caqabado oo u baahan in laga caawiyo, wuxuuna intaa raaciyay inay haatan diiradda Dowladdu saran tahay dhanka amniga.

Mr; Keating ayaa sheegay in dowladda ay la timid ajande wanaagsan oo la xiriira dhaqalaha, siyaasadda, xallinta khilaafaadka iyo wax ka qabashada arrimaha amniga dalka.

Xigasho/ BBC

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...