Horjoogo Al-shabaab ah oo ka sheekeynayo waayihiis xumaa…

Date:

Nasteh ayaa si qarsoodi ah uga dhex shaqeeynaayay maleeshiyada Al-Shabab , Nasteh waxaa uuna xogaha u soo gudbin jiray horjoogayaasha Alshabaab ugu sarsareeyo, waxuuna u qaabilsanaa xaqiijinta iyo qorsheynta qaraxyada iyo dilalaka qorsheeysan.

Lakiin dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay ayaaa isagoo ka faa’idaysanaay fursadaha ay siisay dowladda Soomaaliya 26jrkan lagu magacaabao Nasteh isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka, kana soo laabtay kamid ahaanshihii maleeshiyaadka Alshabaab.

Mar uu lahadlayay Wakaaladad Wararka Reuters ayuu ka sheekeeyey dhibaatooyinka Al-shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed,  wuxuuna sheegay in Al-shabaab ay dhib weyn ku hayaan bulshada Soomaaliyeed oo ay kula dhaqaaqaan dil dhac iyo barakicin.

“Waxeey dilaayeen culimaaudiinka, “waxaa uu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters xili ay wareeysi vidiyoow ah la yeelatay,waxaa uu sheegay in Alshabaab ay dileen 3 culimo ah dhawaan “waxeey dilaayeen iyago oo aan wax wadatashi ah aan sameeyn, micnaheedu wuxuu ah iyaga ayaa iskaleh go’aanka ugu sareeyo”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dadka soogoostay ayaa u sheegay Reuters, inay qaar ku qasbanaadaan in ay soo maraan wado wareeg ah oo duurka dhexdiisa ah. “Ma aanan u sheegin xaaskeyga … waxba ma aanan cunin, wax yar ayaar ayaan seexan jiray, waxaan ka soo tagay dhamaan buugaagteeydi, waxaan tuuray dhammaan SIM kaaradeeyda ay igu garanayeen,” ayuu yiri sarkaal sare oo dhanka wax barshada ah oo heer degmo ah, isaga oo sharxaya soogoosashadiisa oo hal isbuuc ku qaadatay in uu ku soogosto.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay tirade horjoogayaasha iyo maleeshiyada Al-shabaab oo isku soo dhiibaya dowladda, iyagoo ka faa’idaysanaya baaqii Madaxweynaah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in cafis loo fidinayo dadka ka soo goosta Al-shabaab, wixii xiligasi ka dambeeyey waxaa jiray tiro badan o kamid ah maleeshiyadaasi oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo la kulantay agaasimaha hay’adda socdaalka dalkaas

Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Hay’adda GIST

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulayman Maxamed Maxamuud...