Horjoogo Al-shabaab ah oo ka sheekeynayo waayihiis xumaa…

Date:

Nasteh ayaa si qarsoodi ah uga dhex shaqeeynaayay maleeshiyada Al-Shabab , Nasteh waxaa uuna xogaha u soo gudbin jiray horjoogayaasha Alshabaab ugu sarsareeyo, waxuuna u qaabilsanaa xaqiijinta iyo qorsheynta qaraxyada iyo dilalaka qorsheeysan.

Lakiin dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay ayaaa isagoo ka faa’idaysanaay fursadaha ay siisay dowladda Soomaaliya 26jrkan lagu magacaabao Nasteh isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka, kana soo laabtay kamid ahaanshihii maleeshiyaadka Alshabaab.

Mar uu lahadlayay Wakaaladad Wararka Reuters ayuu ka sheekeeyey dhibaatooyinka Al-shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed,  wuxuuna sheegay in Al-shabaab ay dhib weyn ku hayaan bulshada Soomaaliyeed oo ay kula dhaqaaqaan dil dhac iyo barakicin.

“Waxeey dilaayeen culimaaudiinka, “waxaa uu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters xili ay wareeysi vidiyoow ah la yeelatay,waxaa uu sheegay in Alshabaab ay dileen 3 culimo ah dhawaan “waxeey dilaayeen iyago oo aan wax wadatashi ah aan sameeyn, micnaheedu wuxuu ah iyaga ayaa iskaleh go’aanka ugu sareeyo”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dadka soogoostay ayaa u sheegay Reuters, inay qaar ku qasbanaadaan in ay soo maraan wado wareeg ah oo duurka dhexdiisa ah. “Ma aanan u sheegin xaaskeyga … waxba ma aanan cunin, wax yar ayaar ayaan seexan jiray, waxaan ka soo tagay dhamaan buugaagteeydi, waxaan tuuray dhammaan SIM kaaradeeyda ay igu garanayeen,” ayuu yiri sarkaal sare oo dhanka wax barshada ah oo heer degmo ah, isaga oo sharxaya soogoosashadiisa oo hal isbuuc ku qaadatay in uu ku soogosto.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay tirade horjoogayaasha iyo maleeshiyada Al-shabaab oo isku soo dhiibaya dowladda, iyagoo ka faa’idaysanaya baaqii Madaxweynaah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in cafis loo fidinayo dadka ka soo goosta Al-shabaab, wixii xiligasi ka dambeeyey waxaa jiray tiro badan o kamid ah maleeshiyadaasi oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...