Shariif Xasan oo safar dhulka ah ku tegay degmada Bardaale (sawirro)

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi  uu hoggaaminayo, ayaa safar labo maalin qaatay oo dhanka dhulka ah ku tegay Degmadda Bardaale ee Gobolka Baay, Shacabka iyo ma’uuliyiinta Degmada ayaa meel dhowr KM u jirta Bardaale ugu hormiyid Madaxweynaha iyo Wafdigiisa, kadibna u galbiyay hoyga loogu tala galay.

Dhanka kale Madaxweynaha Koofur Galbeed, ayaa Degmada Bardaale kaga qeyb galay xafladda caleemo saarka Guddoomihaya degmadaasi iyo kuxigeenkiisa, wuxuuna kulan laqaatay Golaha Deegaanka, isaggoo sidoo kale dhagax-dhigay Saldhiga iyo isbitaalka Degmada Bardaale.

Madaxweyne Shariif Xasan, ayaa sheegay in safarkaasi uu  ahaa mid guul iyo hormar u ah Shacabka Reer Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana uu bogaadiyey Saraakiisa Ciidamada kala duwan ee Koonfur Galbeed, Police-ka dowladda dhexe, NISA iyo AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...