Munaasabad looga hadlayay horumarinta Afka hooyo oo maanta lagu qabtay Muqdisho (sawirro)

Date:

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay gudoomiyaha Akadeemiyada, Cilmiga Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, maareeyaha golaha murtida iyo madadaalada, golaha abwaannada, qoraayaal dhallinyaro ah, aqoonyahanno, bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Munaasabadaasi waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ay halkaasi ka jeediyeen dhallinyaro  Soomaaliyeed, taas oo ku qotontay baahida loo qabo horumarinta  Afkeenna hooyo, waxeyna ujeeddada xafladaasi aheyd sidii loo heli lahaa goobo wax akhris oo laga hirgeliyo dalka.

Gudoomiyaha Akadeemiyada, CIlmiga, Fanka, iyo Suugaanta Soomaaliyeed, C/qaadir Nuur Xuseen “Maax” oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Akadeemiyadu ay dhiirigelineyso dadka hammiga u leh horumarinta Afkeenna hooyo, isagoo soo dhaweeyay helitaanka goobo wax akhris oo laga hirgeliyo dalka oo dhan, wuxuuna dhallinyarada naadiga Akhriska iyo qorista Banaadir ugu deeqay boqol buugaag ah oo la dhigo xarumaha akhriska ee la qorsheynayo in laga hir geliyo qeybo ka mid ah gobollada dalka

Maareeyaha golaha Muqrida iyo madadaalada Abwaan Cabdi Dhuux ayaa wax wanaagsan ku tilmaamay in maanta ay soo baxaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo  u istaagtay horumarinta Afkeenna hooyo isagoo intaasi raaciyay in isaga iyo golaha abwaaniinta Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin taageero dhinac kasta ah.

Xoghayaha Naadiga Akhriska iyo Qorista Banaadir, Khadar Cabdi C/llaahi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in naadigu qorsheynayo sidii loo furi lahaa goobo wax akhris oo laga hirgeliyo Muqdisho iyo gobollo kale oo dalka ah, isagoo ka codsaday bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka siiyaan arrintaasi.

Si kastaba ha ahaatee arrintani ayaa qeyb kaha qorshaha ay akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ay ku dhiirrigelineyso dhallinyarada hammiga u leh horumarinta Afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...