Imisa mashruuc ayuu dhagax dhigay madaxweyne Farmaaji 17-kii maalmood uu safarka ahaa..

Date:

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shalay Saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey socdaalkii Nabadda iyo dib u heshiisiinta, isagoona sheegay in si dhow uu ula soconayo dhammeystirka fulinta mashaariicda uu dhagax dhigay.

Sidoo kale,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan uu magacaabayo guddi ka shaqeeya, dabagalka fulinta mashaariicda horumarineed ee uu ka dhagax dhigay deegaannadii uu socdaalka kusoo maray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Guddigaan uu magacaabayo ujeedkooda tahay sidii dabagal ay ugu sameyn lahaayeen mashaariicdii uu soo ballan qaadey, si  loo la socdo dhaqan galkooda,wuxuuna dhanka kale madaxweynaha uu sheegay in aay Dowladda ka go’an tahay in aay kaalinteeda ka qaadato.”

Hadaba Halkaan Hoose waxaana idin kugu soo gudbineynaamashaariidii uu dhagax dhigay madaxweyne Farmaajo

  1. Wado Laami isku xirta Garoowe & Eyl (222km)
  2. Wado Laami isku xirta Kala Bayr & Caluula(376km)
  3. Wado Laami isku xirta Galkacyo & Hobyo (264km)
  4. Wado Laami isku xirta Hobyo & Caabudwaaq (355km)
  5. Dayactirka laamiga isku xira Dhuusamreeb & Gaalkacyo (235km)
  6. Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta-Gaalkacyo-Galmudug
  7. Xabsiga dhexe ee Galmudug – Galkacyo
  8. Xarunta xanaaneynta agoonta Ahlusuna – Dhuusamareeb
  9. Dugsiga Farsamada Gacanta – dhuusamareeb
  10. Dhismaha Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb
  11. Dhismaha xabsiga magaalada Dhuusamareeb 12. Dhismaha Jaamacadda Umadda Gaalkacyo
  12. Dhismaha Jaamacadda Umadda Cadaado
  13. Dhismaha Jaamacadda Umadda Dhuusamareeb
  14. Dhismaha Jaamacadda Umadda Caabudwaaq
  15. Dhismaha Xabsiga Caabudwaaq
  16. Garoonka diyaaradaha Cadaado
  17. Dhismaha Dekedda Hobyo

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...