Wasiirka Maxamed Cabdulaahi Salaad oo Soomaaliya Ku Matalayaha Shirka Jaamacadda Carabta ayaa ka Warbixiyay Ajndaha Shirka

Date:

Shirkaan ayaa ka  dhacay xarunta jaamacadda carabta ee magaalada Qaahira ee dalka  Masar waxaa looga hadlayay Faragelin ay sheegeen in Wadanka Iiran uu ku hayo wadamada Carabta,iyo in sidoo kalana Dawlahadaha Carabta ay meel uga soo jeestaan qadiyadda Iiraan.

Xarunta jaamacadda carabta waxa marti u ah wariyayaal xog doon ah si mug lehna isha ugu haya shirkan dagdaga ee ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada Carabta oo dowladda sacuudi carabiya ay codsatay in shirkaan uu dhaco. Dowladda soomaaliya ayaa  qeyb ka ahayd dowladdaha so dhaweyay inu qabsoomo shirkan

Soomaaliya waxa shirka ku matalayay Wasiir maxamed c.laahi salaad oo ay wehlinayaan agaasimaha waaxda carabta ee wasaarada arrimaha dibada Mustafa adam dagaal, safiir ku xigeenka safaarada soomaaliyeed ee masar ilyaas sheeq cumar iyo diblumaasiyiinta ka tirsan safaarada soomaaliya ee masar.

Kalmadda soomaaliya ay ku lahayd shirka oo u aqriyay wasiirka waxay ahayd mid ay u wada riyaaqeen madaxda kala duwan ee isugu yimid shirka waxana ay ka tarjumaysay siyaasad miisaaman oo xirfad iyo xeeladi  ay ku dheehan tahay.

Wasiir maxamed cabdullahi salaad ayaa warbahahinta uga warbixiyay ajandaha shirka iyo aragtida ay soomaaliya ka dhiibatay shirka aya yiri.”

“shirkan waxa uu aha shir aan caadi ahayn oo jaamacadda carabta ay qabatay si dag dag ahna lagu qabtay, shirkan waxa so codsatay dowladda sacuudi carabiya, dowladda soomaaliya

wan ku faraxsanahay inan dowladda soomaaliya ku matalo, u jeedada waxay ahayd gantaal lagu soo tuuray dowladda sacuudi carabiya oo  ay kusoo tuureen qoladda xuutiyiinta oo iiraan ay dabo socoto,

marka dowladaha carabta halkaan ayay ku kulmeen iyago walaac ka mujiinaya  amniga iyo faragalinta dowladda iiraan iyo xuutiyiinta ay ku hayaan amniga wadanka sacuudiga iyo Bahreen, wadanka Bahreen tubooyinka shidaalka qaadayay oo kalle  in la qarxiyay dhowr jeer,

marka wan ka xunahay waxyaabaha faragalinta ee lagu hayo wadamada muslimiinta ah,

sidoo kalle waxan shir gooni ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda sucuudi carabiya oo ay dowladda soo codsatay shirka uguna ahmiyada badneed ayan si gooni ula kulmay iyo wasiiro kalle.waxana kawada hadalnay ariimo kusabsan xiriirka labad dhan ”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashe...

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Kulan La Yeeshay Xoghayaha Dowladda ee Arrimaha Afrika ee Aljeeriya

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...