Ra’iisul wasaaraha XFS oo qudbad ka jeedin doona shirka dhaqaalaha Aduunka

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xakuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaca ah uu khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyo shirka Dhaqaalaha Aduunka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Swezerland Faadumo C/llaahi Insaani oo la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in Maanta uu R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre khudbad ka hor jeedin doono  madaxda ka qeyb galeysa Shirka dhaqaalaha Aduunka oo sanadkan lagu qabtay Magaalada Davos ee Dalka Swezerland.

Faadumo C/llaahi Insaani ayaa tilmaantay in R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre uu khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa kuna aadan baahiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya uu ka jeedin doono shirkaasi.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la filayaa inuu shirka kadib kulamo kala duwan la qaado Madaxda Shirka ka qeyb galaysa isagoona hor dhigi doona Baahiyada ay qabaan bulshada Soomaaliyeed iyo sida Caalamku Maalgashi buuxa ugu samaysan lahaa Dalka Soomaaliya oo ah Dal ku fiican Maalgashi dhaqaale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan...

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...