Kismaayo oo ka furmay shirweyne loogu diyaar garoobayo tartanka ciyaaraah Gobolada

Date:

Madaxweyne kuxigeenka koowaad dowlad goboleedka jubbaland  maxamud sayid aadan ayaa daahfuray shirweyne looga hadlayay u diyaar garowga tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee dowlad gobolleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir kasoo lagu qaban doono magaalda kismaayo.

Shirkaan ayaa waxaa kaqayb galay Wasiiradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada dowlad gobolledyada dalka wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federaalka soomaaliya iyo madaxda xirirrka kubadda cagta dalka.

Wasiir Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay ahmiyad siin doonaan dhalinyarada iyo ciyaaraha dalka.

Madaxwayane Kuxigeenka Koowaad Ee Dowlad Gobaleedka Jubaland Maxmuud Sayid Aadn Oo Furay Shirka Ayaa sheegay in jubbaland u diyaar garowday marti galinta ciyaar yahanada iyo martida kale ee la socota ee kaqayb galay tartankaan oo markiisi labad la qabanaayo.

Furitaanka shirka kadib ayaa wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka iyo Wasiiraddii la socday waxaa ay Kormeer Ku Tageen Garoonka Kubadda Cagta Ee Waamo oo Lagu qaban doono tartanka dowlad gobolledyada iyo gobolka Banaadir.

Tartankaan ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu qabtay magaalada muqdisho kasoo ay ku guuleysteen Ciyaartooydii Puntland matalayay iyagoo kaga guuleystay xulka Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo Kalfadhigoodii Koowaad ku yeeshay Doha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliyaha Boliiska oo xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...