Madaxweyne Farmaajo oo gaarey deegaanka balanbale ee gobalka galgaduud

Date:

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray Deegaanka Balanbale ee Gobolka Galgaduud waxaana Deegaanka ka soconaya soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminaayo.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey deegaankaasi,iyadoo ay halkaasi ku soo dhaweeyeen maamulka iyo qeybaha bulshada deegaankaasi.

Waxaa uu la kulmi doono Mas`uuliyiinta iyo waxgaradka Deegaanka Balanbale, ee gobolka Galgaduud,isagoo warbixin ku saabsan baahiyaha dadka deegaankaasi ka dhageysanaya shacabkaiyo odayasha dhaqanka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo weli ku guda jira booqasho uu ku marayo deegaanada Galmudug ayaa lafilayaa in uu gaaro deegaano kale sida Degmada Caabudwaaq iyo deegaanka Xeraale oo haatan ay ku wajahan yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...