Madaxweyne Farmaajo oo boggaadiyey doorka culimada ee dib u heshiisiinta Galmudug

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wada tashi kula qaadanaya magaalada Dhuusamareeb qeybaha bulshada ayaa ku ammaanay culumada iyo dhallinyarada Gobalka Galguduud dadaalka ay ku bixinayaan nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin qorsheyaasha hormarineed ee dowladda, gaar ahaan arrimaha dib u heshiisiinta, loogana baahanyahay in ay ka soo dhalaalaan kaalintooda maadama ay in ka badan 70% ka yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo xalay kulan gaar ah la qaatay culimada ayaa bogaadiyey kaalintooda ku aaddan wacyigelinta bulshada deegaankan isaga oo ku ammaanay sida ay naf iyo maalba ugu hureen in laga cirib tiro deegaannadan kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab.

“Markii laga hadlayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, waxaad tusaale wanaagsan u tihiin gobollada kale ee dalka, waayo idinkoo kaashanaya dhammaan qeybaha bulshada deegaankan waxaad ku guuleysateen in aad cadoowgaas la dagaalantaan oo aad ka dabar gooysaan deegannadan.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinkii saddexaad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa wada dadaallo ku aaddan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...