Wasaaradda Warfaafinta oo dib u howlgelisay naadiga Madbacada Qaranka

Date:

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, ayaa dib u howlgelisay naadigii Madbacada Qaranka muddo dhowr iyo labaatan sanno kaddib, iyadoo munaasabadda hirgeliyey lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda dib u howlgelinta naadiga Madbacadaha Qaranka oo hoostagta wasaaradda Warfaafinta, ayaa Madasha lagu howlgalinayeyna waxaa goob-joog ka ahaa wasiirka Warfaafinta, Xiriirka Guddiga Kubadda Cagta, Maareeyaha Madbadaha Qaranka iyo qeybaha ay naadiga ka kooban tahay.

Guddoomiyaha naadiga Madbacada Qaranka Cumar Maxamuud Nuur (Mugaanbe) ayaa ballan qaaday in ay si joogta ah ula shaqeyn doonaan wasaaradda Warfaafinta.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed C/qani Saciid Carab ayaa soo dhoweeyey in wasaaradda warfaafinta ay muddo dheer kaddib dib u howlgeliso naadigii Madbacadaha Qaranka.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala) ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku dedaali doonto sidii loo Tayeyn lahaa Naadiga Macbadaha Qaranka.

Wasiir ku xigeenka Dhalilnyarada iyo Ciyaaraha Axmed Cumar Isloow  iyo wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa labaduba  sheegay in iskaashiga badan laga yeesho sidii loo xoojin lahaa awoodda Naadiga.

Ugu dambeyn wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa yiri “tani waa taariikh dalkeennu leeyahay, wasaaradda waxaa ka go’an in ay dib u soo nooleyso dhammaan taariikhdeedii lagu yaqaanay naadiguna ay si xooggan u taageeri doonaan.

Munaasabadda inta ay socotay ayaa lagu kala saxiixdey heshiis saddex geesood ah uu u dhaxeeyey wasaaradda, naadiga iyo xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, kuna aaddan dib u howlgelinta naadiga Madbacada Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...