Wasiir Yariisoow ” Waxaa jirta qaswadayaal diiddan in wadankan uu horumar gaaro”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in dhalinyarada Soomaaliyeed door muhiim ah ay ka qaateen Horumarka dalka gaar ahaan u gurmashada dadkii wax ku noqday Qaraxii 14-kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale,Wasiir Yariisow ayaa carabka ku dhuftay iney jiraan qaswadayaal diidan iney nabad ka dhalato Soomaaliya,kuwaasoo mar waliba heegan u ah iney damiyaan iftiinka kasto oo dhanka wanaaga uga bidhaama Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa jirta qaswadayaal diidan in wadankan uu horumar gaaro, runtiina kuwaasi waa argagixisada Al-Shabaab, marka waxaa la idinka rabaa inaad doorkiina ka qaadataan sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa argagixisada Al-Shabaab”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Xukuumadda ay xoogga saareyso sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaamka axsaabta, isla markaana dib  u eegis lagu sameynayo qabyo qoraalka Dastuurka dalka, si dalka loo gaarsiiyo hal qof iyo hal cod.

Hadalkaan ayuu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng: C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ka jeediyay munaasabad xalay ka dhacday Muqdisho oo shahaadooyin lagu guddoonsiinayay 765-dhalinyaro oo nasiib u yeeshay iney ka qeyb galaan tababar ay Hormuud ka ahayd Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan is xogwareysi ah la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane...

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...