Wasiirka Waxbarashada XFS oo heshiis la saxiixday Hay’adda Amiin Ambulance ee Muqdisho

Date:

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalak Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa heshiis kula saxiixday magaalada Muqdisho mas’uuliyiinta hay’adda Gar gaarka deg dega ah ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Heshiiskani ayaa waxaa uu dhigayaa in tababarro la siiyo bahda waxbarashada si ay isku bad baadiyaan haddii ay dhibaato timaado, maaddaama inta badan bulshada ay yihiin bahda waxbarashada, sidoo kale waxaa uu dhigayaa in haddii uu shil dhaco hay’adda gar gaar ee Amiin Ambulance ay ahmiyad gaar ah siiso bahda waxbarashada oo la aaminsanyahay in ay yihiin dadka ugu badan ee bulshada oo dhibaatooyinka soo gaarto.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta la kulanka mas’uuliyiinta Hay’adda gar gaarka deg dega ah, iyo in aan heshiikan kala saxiixanno, waxaan rabnaa in tabaabarro la siiyo bahda waxbarashada si ay isku badbaadiyaan haddii uu shil dhaco, marka waxaan rajaynayaa in heshiiskani uu waxbadan soo kordhin doono”. Ayuu yir Wasiirka waxbarashada.

Dhanka kale madaxda hay’adda gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Amiin Ambulance ayaa soo dhaweyey hadalka wasiirka waxbarashada, iyagoo ka mahadceliyay la kulanka wasiir C/raxmaan Daahir Cusmaan, waxeyna sheegeen in ay fulin doonaan heshiiskaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...