Gabdho Ardey soomali ah oo Dalka Suudaan uga qeyb galey Bandhig Dhaqameed Haweenka Africa.

Date:

Bandhiga habeenka dhaqanka oo ay qabato Jaamicadda Axfaad ee Dalka Suudaan  ayaa loogu magac daray habeenkii dhaqanka.

waxaana ka qeyb galay Dalal  badan oo Ardaydoodu ay Wax ka bartaan Jaamicadaasi,  Soomaaliya ayaa wax ay ka mid aheed dalalka ka qayb galey ardaydooda Bandhigaasi.

Axfaad oo ah Jaamacad ay dhigtaan Haweenka oo kaliya ayaa Sanadkii mar waxaa  lagu qabtaa bandhig dhaqameed ay dhaqamadooda ku soo bandhigaan dhamaan Dowladaha ay ardaydoodu dhigtaan Jaamacaddaasi.

Bandhiga ayaa ka dhacayay Xarunta Jaamacadda Axfaad  waxaa ka soo qeyb galay dad weyna aad u fara badan iyo qaar ka midah Ardayada Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalka Suudaan iyo waliba madaxda Ururka Ardayda Soomaaliyeed.

Gabdhaha Soomaaliyeed ee dhigta jaamacadda Axfaad ayaa door la taaban karo ka ciyaaray mudadii uu socday bandhiga waxeyna goobta ku soo bandhigeen waxyaabaha hiddaha iyo dhaqanka u ah dadka Soomaaliyeed, taariikhda wadanka ,Cunooyanka u gaarka ah Soomaalida iyo waliba qaar ka mid ah Cayaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Xoghayaha guud ee midowga ardayda Soomaaliyeed  Dalka Suudaan Cabdiraxmaan Maxamed Saciid iyo Maxamed Cismaan Cali “Mucjiso” ayaa aad u bogaadiyay Gabdhaha Soomaaliyeed doorka fiican ee ka qaateen bandhiga.

Dowladaha ka qeyb galey bandhigan ayaa waxay ahaayeen kuwo aad u badnaa iyadoona Dhamaan dadkii ka soo qeyb galay munaasabada lagu soo bandhigayay Bandhig Dhaqameedka ayaa aad ugu helay Dhaqanka Soomaalida, iyagoo waxbadan ka bartay dhaqamada Soomaalida iyo waliba Taariikhada Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka XDS oo fashiliyey weerar ay Khawaarijta kusoo qaadeen Sabiib iyo Canoole

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamada Difaaca Dadka Uganda...

Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo cambaareysay dagaalka uu sii waddo eedeeysane Axmed Madoobe

Wasaaradda Amniga Guduha ee Dawladda Federaalka ah waxeey markale...

Ciidanka XDS oo Shabellaha hoose ku dilay xubno ka tisan Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka si geesinimo leh...

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Indonesia

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...