Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta safar dhulka ah ku maray magaalooyin kala ah Waaciye, Carmo, Ceel Daahir iyo Boosaaso.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga madaxweynaha safarka ku wehlinaya waxaa ka mid ah madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas,wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Golayaasha kala Duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Dad aad u fara badan oo gacmaha ku sida calanka Soomaaliya,islamarkaana taagan hareeraha waddooyinka magaalada iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa si heer sare ah ugu soo dhoweeyay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda la kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka Boosaaso.

Wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lugta soo mariyay deegaanka Carmo ee Gobolka Bari,halkaasi oo dadweyne fara badan ay ku soo dhoweeyeen.

Amaanka magaalada Boosaaso ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana magaalada lagu dhex arkayaa Ciidamada amaanka oo feejigan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo Kormeer shaqo ku tagay Wasaaradaha Koonfur Galbeed

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...

Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka 7-aad...

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo gaba-gabeeyay Toddobaadka Qaran ee Dhir-beerista

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka...

Ciidanka Xoogga oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay...