baadi-goob loogu jiro dad lagu la’ yahay fatahaaddii California

Date:

Shaqaalaha badbaadada ee Koonfurta California ayaa baadi goobaya dad ka badbaaday burburkii kadhashay fatahaad ay kudhinteen ugu yaraan 13-qof.

Ciidamada booliiska ayaa xiray masaafo dhan 48-kilomitir oo kamid ah wadada weyn ee tagta xeebta, booliiska ayaa sheegaya in goobta fatahaadu ka dhcday ay u egtahay “goobtii dagaalkii koowaad ee dunida”.

Ugu yaraan 300 qof ayaa lagu waramayaa in ay kuxaniban yihiin deegaanka Romero Canyon oo soohdin laleh bariga magaalada Santa Barbara, iyadoo ay dadaalada badbaada lagu wado in lasii wado.

Mike Eliason oo ah afhayeenka dab demiska ee deegaanka Barbara County ayaa sheegay in roobab mahiigaan ah ay kusoo rogmadeen deegaanka Montecito halkaasi oo ay khasaaro lixaad leh u geysteen guryaha iyo waddooyinka.

In ka badan 50 qof ayaa laga soo badbaadiyay waxaana jira in ay weli ku adag tahay samatabixiyeyaasha in ay galaan meelaha kale maxaa yeelay waxaa weli xiran waddooyinka qaarkood oo ay kamid tahay wadada weyn ee 101.

Saraakiisha gurmadka deg-degga ah ayaa sheegay in goobta ay dhibaatadu ka dhacdo ay yihiin meelaha aanan helin gurmadka.

Qaar kamid ah 163 qof ayaa la dhigay cusbitaal, kuwaasi oo 20 kamid ah ay dhaawacyo kasoo gaareen duufaanta.

Kumanaano kun oo qof ayaa ka cararay guryihii ay degenaayeen kuwaasi oo qaarkood sii maqan labadii billood ee u dambeeysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...