Mareynkanka oo xaqiijiyay inuu duqeyn ku dilay labo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab

Date:

Ciidamada Mareynkanka oo kaashanaya kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee talaadada bisha Jan. 2, 2018,duqeyn ku dilay Labo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab,iyagoo sidoo kale bur buriyay gaari ay lagu soo xiray walxaha Qarxa ee lala damacsanaa in lagu waxyeeleeyo Shacabka aan waxba galabsan ee ku dhaqan Muqdisho.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaank 50km dhanka Galbeedka ka xiga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,waxaana war ka soo baxay Ciidamada Mareynkanka ee Africa (Africom) lagu xaqiijiyay in duqeyntaasi waxyeelo ka soo gaarin dad shacab ah.

Saraakiisha Ciidamada Mareynkanka ee Africom ayaa sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si meesha looga saaro kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab oo kaliya qatar ku ahayn nabad galyada iyo xasiloonida Soomaaliya.

Duqeyn ay Ciidamada Mareynkanka ka fuliyeen Qeybo ka mid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxay ku dileen Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Khawaarijta Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Deegaanka Goobo

War ka soo baxay Wasaaradda Gashaandhigga ayaa lagu sheegay...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay masjid laga dhisayo Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo seddax maalmood ah hoos u dhigtay Calanka Soomaaliya

Iyada oo la fulinayo Amarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...