Mareynkanka oo xaqiijiyay inuu duqeyn ku dilay labo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab

Date:

Ciidamada Mareynkanka oo kaashanaya kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee talaadada bisha Jan. 2, 2018,duqeyn ku dilay Labo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab,iyagoo sidoo kale bur buriyay gaari ay lagu soo xiray walxaha Qarxa ee lala damacsanaa in lagu waxyeeleeyo Shacabka aan waxba galabsan ee ku dhaqan Muqdisho.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaank 50km dhanka Galbeedka ka xiga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,waxaana war ka soo baxay Ciidamada Mareynkanka ee Africa (Africom) lagu xaqiijiyay in duqeyntaasi waxyeelo ka soo gaarin dad shacab ah.

Saraakiisha Ciidamada Mareynkanka ee Africom ayaa sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si meesha looga saaro kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab oo kaliya qatar ku ahayn nabad galyada iyo xasiloonida Soomaaliya.

Duqeyn ay Ciidamada Mareynkanka ka fuliyeen Qeybo ka mid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxay ku dileen Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu...

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo lagu soo xiray muqdisho

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS,...