Kalfadhiga labaad ee Aqalka sare oo la soo xiray

Date:

Ajendaha Golaha waa dhageysiga warbixin ku saabsan Arrinta Xuduuda ee Degmada Beled-xaawo iyo Xiritaanka Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Aqalka Sare.

Senater Cabdullaahii Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa Golaha Siiyey Warbixin ku saabsan Xadka iyo Darbiga Dowlada Kenya ka dhiseyso Xadka Soomaaliya iyo Kenya.

“Arrintan Xadka waxaa sameeyey Dowladaha Talyaaniga iyo Ingiriis Sanadkii 1935 runtii waxaa nala socday qubaro dhanka dhulka ah kuwaas oo wax badan ka yaqaan arrinta, waxay qubarada noo sheegeen in dhowr mitir gudaha Soomaaliya u soo galay Siliga Dowlada Kenya Dhiseyso, 790 Guri Soomaaliya leedahay ayaa Siliga ay Kenya Dhiseyso dhinaca kale kamaray”.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C.llaahi ayaa sheegay in loo baahan yahay Soomaali oo mid ah dhulkeeda inay difaacato, dowladda hey’adaheeda ay quseysana looga baahan yahay in si deg deg ah uga jawaabbaan arrintan.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C.llaahi ayaa soo xiray Kalfadhigii labaad ee Golaha Aqalka Sare.

Labada Bil ee soo socota ayaa Mudanayaashu fasax galayaan balse waxaa jiri doonta Xaflad weyn taas oo si guud loogu soo xirayo kana qeyb-geli doonaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...