Horjoogayaal ka tirsan Alshabaab oo iska dhiibaya deegaanada K/Galbeed

Date:

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaabka iyo horjoogayaashooda ayaa iska dhiibaya Maamulka Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay,kadib markii ay ka soo goosteen argagixisada Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka Degmada Buur Hakaba ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeyn Saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ku sugnaa deeganada K/Galbeed.

Maxamed Ibraahim Aadan guddoomiyaha Degmada Buur hakaba ayaa intaasi ku daray in degmada Buur-hakaba ee gobalka Baay ay iska soo dhiibayn Labo horjooge oo ka tirsanaa  Al-Shabaab,wuxuuna sheegay in ay haatan Gacanta ugu jiraan Ciidamada ammaanka Maamulka Degmada.

“Waxaa ay iska soo dhiibeen ragaan mel degmada Buur-hakaba u jirta Khayaas ahaantii 45 KM,way nala joogaan,waxayna ka soo bexeen fikradii khaldanayd ee shabaabka,runtii firxadka Shabaab,iyo howlgalada socda waxay waxbadan ka tareen amniga degmada iyo deegaanada hoostaga’, Ayuu yiri guddoomiyaha Buur-hakaba.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyadkan ay ku sugnaayeen dhulka Buuraha ah ee ku yaala deegaanada hoostaga Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay,waxayna ka faaidaysanayaan fursadaha ay siiyeen madaxda Dowladda Soomaaliya ee ah in ay ka soo laabtaan aragtida khaldan ee Xagjirnimada.

Tan ayaa u muuqata in ay ka dhigantahay in ay sii dabar go’ayaan maleeshiyada Alshabaab,iyadoo horeyna ay jireen horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale oo isku soo dhiibay Dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...