Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gaaray magaalada Gaalkacyo

Date:

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod ayaa goordhow gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka uu taliyaha u gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa waxay tahay sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee halkaasi ku sugan iyo waliba sahminta suurta galnimada qorshaha isku dhafka loogu sameynayo Ciidamada Xoogga dalka.

Sida ay sheegayaan wararka ay heleyso Wakaaladada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo booqan doona xeryaha ciidamada Xoogga dalka,isagoo ku dhiira gelinaya dadaalka ay ugu jiraan Difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod ayaa maalmihii u danbeeyay howlo kormeer ku marayay deegaanada Puntland,wuxuuna sidoo kale booqday Guutada 54-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah,...

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...