Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Date:

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdiwali Jaamac Warsame Gorod ayaa ka tacsiyadeeyay Askartii ku dhimatay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay barxada hore Dugsiga tababarka ee Genraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod,ayaa Ehalada iyo asxaabta iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay Askartii ku dhimatay Qarax Qof naftii halige ah oo saakay ka fuliyay barxada Dugisga tababarka Generaal Kaahiye,isagoo sidoo kale dadkii ku dhawaacmay Eebe uga baryay inuu si dhibyar ugu boogo dhayo.

Wuxuuna Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed aad ugu amaanay Ciidamada Xoogga dalka sida mar waliba uga feejigan yihiin weerarada bahalnimada ah ay geysanayaan Kooxaha Nabadiidka ah.

Qof naftii halige ah oo xirnaa jaakad ay ku xiran yihiin walxaha Qarxa ayaa saakay isku qarxiyay barxada hore ee Dugsiga tababarka ee Generaal Kaahiye xilli ay ciidamada isku diyaarinayeen howlmaalmeedkooda caadiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...