Faah faahin ka soo baxaysa qarax naftii halignimo ah oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Qaraxani oo uu fuliyay nin naftii halige ah oo xirnaa Jaakadda Qaraxyada ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in inta la ogyahay dhimashadu ay tahay ku dhawaad 10 qof,halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Naftii haligahan ayaa isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidanka Booliska oo ku sugnaa barxadda dugsiga tababarka ee Genraal Kaahiye,kuwaasi oo isku diyaarinayay in ay gutaan howlmaalmeedkooda.

Saraakiisha ayaa sheegay in ninkan is qarxiyay uu xirnaa dharka Sportska oo ku dul-xirtay Jaakada Qaraxyada,wuxuuna ka soo baxay meel luuq ah,iyagoo intaasi ku daray in khasaaraha intaasi uu ka badan lahaa hadii uu gaari lahaa halka ay ku feylaan ciidanka,balse uu qalqalay islamarkaana halkaasi isku qarxiyay.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho,waxaana saraakiishu ay sheegayaan in khasaarah uu intaasi ka badnaan karo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...