Faah faahin ka soo baxaysa qarax naftii halignimo ah oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Qaraxani oo uu fuliyay nin naftii halige ah oo xirnaa Jaakadda Qaraxyada ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in inta la ogyahay dhimashadu ay tahay ku dhawaad 10 qof,halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Naftii haligahan ayaa isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidanka Booliska oo ku sugnaa barxadda dugsiga tababarka ee Genraal Kaahiye,kuwaasi oo isku diyaarinayay in ay gutaan howlmaalmeedkooda.

Saraakiisha ayaa sheegay in ninkan is qarxiyay uu xirnaa dharka Sportska oo ku dul-xirtay Jaakada Qaraxyada,wuxuuna ka soo baxay meel luuq ah,iyagoo intaasi ku daray in khasaaraha intaasi uu ka badan lahaa hadii uu gaari lahaa halka ay ku feylaan ciidanka,balse uu qalqalay islamarkaana halkaasi isku qarxiyay.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho,waxaana saraakiishu ay sheegayaan in khasaarah uu intaasi ka badnaan karo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii...

Saddex ka tirsanaa Khawaarijta oo saaka lagu fuliyay xukun dil ah

Waxaa saakay aroortii hore ayaa lagu fuliyay xukun dil...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la qaatay ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed...

R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...