Soomaaliland oo ay ka bilaabatay codbixinta doorashada Madaxtinimada.

Date:

Shacabka Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashada madaxweynaha Soomaaliland,iyadoo la arkayo dadweyne aad u farabadan oo safuuf dhaadheere kujira si ay codkooda u dhiibtaan.

Gudoomiyaha guddiga doorashada ee Somaliland Siciid Cali Muuse ayaa  sheegay in uu goobo badan soo kormeeray kuwa kalana la xiriiray, codayntu ay billaabatay 7:00 subaxnimo,waxaana la filayaa in dadka reer Soomaaliland ay doortaan hoggaan cusub.

Shaqo-la’aanta ayaa ka mid ah ah arrimaha muhiimka ah ee isha lagu hayo, iyadoo boqolkiiba todobaatan iyo shan dadka da’da yar aanay wax shaqo ah haysan.

Waxaa ku tartamaysaa ilaa 3 musharax eek ala ah Muusa Biixi,Faysal Cali Waraabe,iyo C/raxmaan Ciiro,kuwaasi oo midkasta sugaya natiijada ka soo bixi doonta doorashada,waxaana sidoo kale codaynaya musharixiinta.

Si looga hortago in doorashada lagu shubto ayaa waxaa markii ugu horreysay goobaha codbixinta lagu isticmaalayaa qalab aqoonsanaya indhaha codbixiyayaasha.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa waxa ay ku baaqeen in maalinta codbixinta la xayiro isticmaalka baraha bulshada si looga hortago in barahaasi lagu faafiyo warar been abuur ah.

Waxa ku sugan Soomaaliland korjoogayaal caalami ah kuwaasi oo u kuurgalaya xaaladda guud ee Doorashada,waxayna sugayaan habka ay u dhacayso doorashadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kula la qaatay Duqa Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb. Maxamed Cali...

Wasiirka Warfaafinta iyo mas’uuliyiin kale oo booqday goob dalxiis oo ku taalla degmada Kaxda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay Dib-u-dhiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Golaha Wasiirrada maamulkaas

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...