Wasiir kuxigeenka Amniga Gudaha oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Rwanda

Date:

Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Abdinasir Saciid Muuse oo uu wehlinayay Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb. Ali Mohamed Ali ayaa waxa ay maanta ku soo dhoweeyeen Muqdisho wafdi ka socda Dowladda Rwanda oo uu hoggaaminayay Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee Rwanda Mr. Claude NIKOBISANZWE.

Imaanshiyaha wafdigan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib kulan bishii October 21 ku dhexmaray Magaalada Kigali Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Rwanda H.E. Ms. Louise Mushikiwabo iyo Wasiir kuxigeenadda Arrimaha Dibadda iyo Amniga gudaha ee Soomaaliya oo looga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Dowladda Rwanda ayaa beri oo Isniin ah soo gaarsiin doonta Muqdisho deeq daawo ah oo toban tan ka kooban , waxaana loogu talagalay in lagula tacaalo, laguna daweeyo dhaawacyada qaraxyadii ugu dambeeyay ee ruxay Caasimadda Muqdisho.

Qaabilaadda Wafdiga Dowladda Rwanda ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska Qaranka Adv. Hersi Haji Olosow, Agaasimaha Waaxda Afrika Mr. Abdilatif Mohamud Ali iyo Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia Mr. Hassan-Nur Abdi Aden iyo diblomaasiyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...