Wasiir Oomaar”Waxaan Umadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in Garoonka Muqdisho Amaankiisu yahay Boqolkiiba Boqol”.

Date:

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Salaad Oomaar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa beeniyay Wararka sheegaya in Amni daro ka jirto Garoonka Magaalada Muqdisho .

Mudane Maxamed C/laahi Salaad ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socdaan Howlaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ayna been abuur tahay warar  maalmahaan ay faafiyeen Qaar ka mid ah Hay’addo waxuuna sheegay in ay la xisaabtami doonaan kuwa Wararka been abuurka ah Faafiyay .

“Garoonka waxaan ku qabanaa maalin kasto oo Sabti ah Shir looga hadlayo Aminga,waxaan maalmahan jiray Warar sheegaya in Goroonka Amnigiisa uu xunyahay waa mid been ah oo aan sal iyo raad laheyn ,waxaana Umadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in Garoonka Aadan Cadde Amaankiisu yahay Boqolkiiba Boqol, waxa loo sheegayo ay been yihiin wax isbadal ah oo dhanka Aminga Goroonka majiro maalinba maalinka ka dembeyso wuu sii Hagaagayaa”Ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka XFS

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa ku wargaliyay Bulshada Soomaaliyeed iyo Shirkadaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Dalka  in uu sugan yahay Amaanka Garoonka Aadan Cade uuna kamid yahay Garoomada ugu Nabad galyada Badan Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...