Ruushka oo ciidamadiisa kala baxaya Syria.

Date:

Syria(SONNA) War ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Mosco ay ciidamadeeda kalabaxaysa Dalka Syria,iyadoo haatan uu Ruushku ku dhaqaaqay talaabadii ugu horeysay oo ah in uu qaar ka mid ah ciidammadiisa kala baxo dalka Suuriya, sida uu Isniintii shaaciyay wasiirka arrimaha difaaca Sergei Shoigu.

Vladimir Putin Madaxweynaha Ruushka ayaa wuxuu amaray ku bixiyay in ciidammadu ay qayb ahaan u baxaan ka dib markii uu booqasho aan la sii shaacinin ku tagay Suuriya Isniintii.

Taageerada Ruushka ayaa muhiim u ahayd in ciidammada dawladda ee Suuriya oo uu hogaaminayo madaxweyne Bashaar Al Asad in ay ku gacan sarrayso dagaalka ka socoda Dalka Syria.

Lama oga ujeedada lasmiga ah ee ka dambeysay amarkani,balse Madaxweynaha Vladamir Putin ayaa ka bixid noocaas oo kale ah ku dhawaaqay sannadkii hore laakiin milatariga Ruushka ayaa sii waday hawlgalladiisa.

Markii la waydiiyay wakhtiga ay ciidammada Ruushka ku qaadan doonto in ay wada baxaan, wuxuu ku jawaabay “waxay ku xirnaan doontaa xaaladda” Suuriya.

Madaxweynaha Ruushka ayaa Bashaar kula kulmay Saldhigga Ruushka ee Hmeimim ee u dhaw Latakia,iyagoo kawada hadlay arrimaha Dalka Syria iyo sidii loo soo afjari lahaa dagaalada halkaasi ka socda.

Putin ayaa yiri: “Waxaan ku amray wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidammada qalabka sida in ay billaabaan in ay ciidamma ka saaraan Suuriya si ay u gaaraan saldhigyadoodii rasmiga ahaa,” sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Russian RIA Novosti.

“Waxaan go’aan ku gaaray in tiro muhiim ah oo ka mid ah ciidammada Ruushka ee ku sugan Suuriya in ay ku laabtaan dalkoodii Ruushka.” Ayuuna intaas ku sii daray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Mombasa

Waxaa Magaalada Mombasa lagu soo gaba-gabeeyay shir wada-tashi ah...

Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay in Ukraine...

Safiirka JFS ee Masar oo soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo booqasho rasmi ah ku yimid Qaahira

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Amb. Cali...