Muqdisho(SONNA);– Xuska maalinta caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha ayaa ah mid bulshada looga wacyi gelinaayo ilaaalinta iyo dhowrista Xuquuqda Aadanha iyo in la joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah, waxaana munaasabadda goob joog ka ah Wasiirka Wasaradda Haweenka iyo horamarinta xuquuqda aadanha Deeqo Yaasin Xaaji Yuusuf,Xilidhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka sare Agaasimaha Guud ee Wasaradda Hawenka iyo Ururada Bulshada Rayidka
Sanadki 1948-kii ayey aheyd markii shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay la isugu raacay in 10-ka December ay tahay maalinta caalamiga ee dhowrista xuquuqda Aadanaha,iyadoo sanad walba aduunka si weyn looga xuso.
Agaasimaha Guud ee Wasaradda Hawenka iyo Horamarinta Xuquuqda Aadanaha Deeq Suleymaan Yuusuf oo ka hadlay madasha ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha,isagoo carabka ku adkeeyay in maalintaan ay muhiimad ah gaar ah u leedahay shacabka gaar ahaan dhowrista xuquuqdooda.
Sanadkan ayaa ah mid ka duwan sanadahii hore ee munaasabadda xuska maalinta caalamiga ee xuquuqda aadanha,iyadoo Dowladda Soomaaliya ay go’aamisay in sanad walba la xuso haldoorka kaalinta weyn ka qaata horumarinta iyo dhowrista Xuquuqda Aadanaha,waxaana munaasabada inta ay socotay loogu duceeyay Alle ha u naxariistee Ambassador Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari bari oo kaalin mug leh ka qaatay dhowrista Xuquuqda Aadanaha.
Xildhibaanad Canad Axmed Cilmi oo ka tirsan Guddiga Xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka ayaa sheegtay inuu meel wanaagsan marayo sharciga Xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba si ay u helaan xuquuqdooda.
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Deeqo Yaasiin Yuusuf oo ka hadlay gabagabada Xuska maalinta caalamiga ee Xuquuqda aadanaha ayaa sheegay iney wadaan dhameystirka Guddiga madaxa banaan ee Xuquuqul insaanka Soomaaliya.