Wasaaradda Arrimaha gudaha oo xoogga saareysa hirgelinta Golaha Deegaanka

Date:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo furtay shir looga hadlayey dhisidda Golaha Deegaanka ayna ka qeyb galeen Wasiirada Arrimaha Gudaha Maamul Goboleedyada Dalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kullanka oo aha mid Wadatashi ah ayaa waxaa looga hadlay dhismaha Golaha Deegaanka ee dhamaan Degmooyinka Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay dhamaan Wasiirada Arrimaha Gudaha ee Dowladda Goboleedyada Dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’ad ka shaqeeysa Arrimaha Horumarinta Deegaanka.

Wasiirada Arrimaha Gudaha ee Maamul Goboleedyada dalka ayaa sheegay in intooda badaan meel wanaagsan uu marayo dhismaha Golaha Deegaanka iyo dhameystirka Sharciga Golaha Deegaanka, waxaana barnaamijkan soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamuud Xasan ayaa sheegay in Wasaaraddu ay xoogga saareyso sidii loo dhameystiri lahaa hanaanka loo marayo dhismaha Golaha Deegaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Juxa ayaa waxaa uu tilmaamay in deegaanadda qaar aysan suurto gal aheyn in laga sameeyo Gole Deegaan xaalad Amni awgeed, balse Deeganada kale sida ugu dhaqsiyah badan looga hirgelin doono.

Wasiir Juxa waxaa kale oo uu sheegay in looga baahan yahay Maamul Goboleedyada inay qeyb ka qaataan meel marinta sharciga Golaha Deegaanka si-dhaqso loo helo Gole Deegaan oo dhameystiran.

Golaha Deegaanka waxaa sameystay oo kaliya dhamaan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, kaddib doorasho ay galeen, waxaana ay ka kooban yihiin 27 Qof.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee ITF

Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay...

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil...

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,...