Madaxweyne Waare oo Casha sharaf u sameeyay Xulka kubbadda Cagta ee Hirshabeelle-(Sawirro)

Date:

Muqdisho-SONNA)-Kulan Casha sharaf iyo dhiirri gelin ah ayaa waxaa Xalay Magaaladan Muqdisho loogu sameeyay xulka kubadda cagta ee Hirshabeelle, kaasoo ay kasoo qayb galeen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabelleย  Mudane Maxamed Cabdi Waare, Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Cayaaraha Hirshabell Gudoomiyaha gobolka Shabeellada dhaxe ย Gudoomiyah Arrimah Bulshada gobolka shabelah dhaxe iyo gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan.

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Hirshabelle Cabdi qani jeenyo oo madasha ka hadlay ayaa ku Ammaanay Ciyaartooydaย ย  Hirshabeelel dedaalka iyo diyaargaroowga dheer ee ay Sameeyeen, isagoo ka sheekeeyay taariikhdii ay Hirshabeelle ku lahayd Sportiga Dalka.

Gudoomiye Ku Xigeenka Barlamaanka Hirshabelleย  Cabdi Xuseen Geediย  ayaa u rajeeyay dhalinyarada kubadda cagta hirshabelleย  inay ku guuleestan koobkaasi, wuxuuna faray inay la yimmaaddaan dedaal iyo dhabar adayg ku aaddan hanashada Koobka Kubbadda Cagta ee Maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabelleย  Mudane Maxamed Cabdi Waareย  ayaa ugu ku boorriyay Ciyaartooyda Hirshabelle in tartanka koobkaย  Dawlada gobleedyada iyo gobolka Banaadir ay guulo la taaban karo ka soo hooyaan, soona celiyaan kaalintii ay kaga jireen Sportiga Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ee Casimadda Soomaaliya ayaa Marti galisay Sanadkii 2aad ee tartanka ciyaaraha Dawlad Goboleedyada Dalka, markaas oo ay koobka hanatay Ciyaartooydii ka socotay Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...