Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida Fannaanada Guduudo Carwo

Date:

Warsaxaafadeed—December 7, 2017—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Fannaanaddii weynayd ee Shamis Abokar Ismaaciil (Guduudo Carwo) oo maanta ku geeriyootay magaalada Hargaisa.

“Innaa Lillaahi Wa inaa Ilayhu Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaan tacsi u dirayaa qoyskii,asxaabtii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee ka baxday Shamis Abokar Ismaaciil (Guduudo Carwo) oo kamid ahayd fanaaniinta ay aadka u jecelyihiin dadka Soomaaliyeed, waxaan ku xasuusan doonaa kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee ay ka qaadatay horumarinta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...