Ciidamamda Soomaaliya oo burburiyey xaruntii Qaraxyada Al-shabaab

Date:

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiysay weerarro qorsheysan oo ay hey’ada amniga Soomaaliya ka fuliyeen gobolka Jubba Dhexe.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow) oo  la hadlayey Telefishinka Qaranka ayaa sheegay ugu horreyn in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed maalmahan ay howlgallo ka wadeen gobollada Shabeellooyinka, isla markaana la soo warinayo khasaarooyin kala duwan in  Nabad-diidka uu ka soo gaaray howlgalladaasi, guulo kalena ay ka rajeynayaan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa yiri “maalmahan ciidammada dowladda oo howlgallo ka waday dalka ayaa laba weerar oo qorsheysan ka fuliyey degmada Jilib, halkaas oo ay ku yaalleen xarunta Qaraxyada Al-shabaab iyo Guriga Jabdaha lagu diyaariyo, kuwaas oo doonayey in ay isu diyaariyaan gobolka Gedo, hasa yeeshee weerarkaas waxaa ka dhashay Khasaaro xooggan, inta la rumeysan yahay 81 qof ayaa ku dhimatay oo isugu jiray malleeshiyaad ku kala sugnaa xarunta Qaraxyada iyo Guriga Jabdaha Jilib”.

Weerarradaasi ciidammada geesiyaasha ah ay qaadeen waxaa ku burburay Agab badan oo Qaraxyada laga sameeyo, sida TNT, RDX, Potasium Nitrate, sodium nitrate iyo sawaariiq lagu qiyaasay ilaa Laba ton iyo Hub kale oo ay ku jireen Gaadiidka dagaalka, macluumaadka la helay ayaa muujinaya in Jab xooggan  ay ku naqdeen weerarraas Al-shabaab lagu qaadey.

Howlgalladan  waxaa si taxadar leh u fuliyey ciidammada Soomaaliya oo si nabad ah ugu soo laabtay xarumihii ay ka tageen.

 

Feysal Muuse

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...