Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo 5000 oo dollar ugu deeqey Naafadda Martiine kujirta

Date:

 

Janaraal C/weli Jaamaca Xuseen (Gorod) Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed iyo saraakiil kale ayaa maanta booqday Isbitalka Martiine ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo ay kujiraan Naafadda Ciidanka Xooga Dalka.

Ujeedada booqashada Taliyhaha ayaa ahayd sidii loo dhiiro gelin lahaa Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee kunool isbitalkaasi,wuxuu sheegay  in ay dadaal u galidoonaan sidii caafimaad dibadda ah loogu qaadi lahaa Naafadda kuwoodi oo xaaladoodi caafimaad aan Dalka waxba looga qaban Karin.

Taliye C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa wuxuu ugu deeqay lacag dhan 5000 kun oo dollar naafadda Martiin,taasi oo uu ku sheegay in loogu talagalay in lagu dhiirogeliyo nolosha qoysaskada askartasi.

Intii uu joogay halkaasi wuxuu kormeer ku sameeyey qeybaha uu ka kooban yahay isbitalkasi Mrtiini iyo dhismayaasha cusub ee halkaasi ka socda,wuxuuna dhiirogeliyay howlaha dib u dhiska halkaasi ka socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...