Munaasabad looga hadlayay ka Hortaga Askareynta Caruurta oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Muqdisho (SONNA) Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay maanta Munaasabad looga hadlayay ka hortaga Askareynta Caruurta da’dooda ka yar tahay 18-sano, waxaana soo qaban qaabisay Waaxda Wasaaradda Gaashaandhiga u qaabilsan Ka Hortaga Askareynta Caruurta.

Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Mursal, Xubno ka kala socda Labada Aqal, Saraakiil sar sare iyo Masuuliyiin kale, iyadoo halkaasi laga jeediyay Khudbado looga hadlayay Dhibaatooyinka Caruurta Soomaaliyeed kasoo gaara Askareynta iyo sida looga hortagi karo.

Abaanduulaha Taakuleynta Ciidamda Xoogga Dalka General Bile Ibraahim Aadan oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la raaco Shuruucda u degsan Ciidamada, Dambi weyna ay tahay in la askareeyo caruurta da’dooda ka yar tahay 18-sano, wuxuu sheegay in iyaga ay ku dhaqmi doonaan Shuruucda Askareynta, ayna ka hortagi doonaan cid kasta oo falkaasi ku kacda.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa uga digay Talisyada ciidamadda Xoogga inay askareeyaan Caruurta yar yar, isagoo balanqaaday in Wasaaradda Gaashaandhiga ay xoojin doonto la dagaalanka dadka caruurta Askareeya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...