Madaxweyne Trump oo ka hadlaya maanta go’aankiisa ku aadan Qudus

Date:

Washington(SONNA) Iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu wado qorshe uu safaaradiisa Telaviv  ugu rarayo Magaalada Barakaysan ee Qudus ayaa waxaa sii kordhaya qeylo dhaanta dunida Islaamku ay arrintaasi ka muujinayso.

War ka soo baxay Aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in madaxweyne Donald Trump uu ka hadli doono Arbacada maanta ah go’aankiisa ku aadan in safaarada Mareykanka ee Israil loo raro Qudus iyada oo ay soo wajaheyso dhaleeceyn caalami ah oo sii kordheyso.

Haweeneyda Afhayeenka ka ah Aqalka cad  ee Mareykanaka ayaa warbaahinta u sheegtay in madaxweyne Trump Uu aad ugu adkaa fikirkiisa arrintaan ku saabsan.

Qaar kamid ah Tiro hoggaamiyeyaasha  Dalalka Carabta ayaa madaxweynaha Mareykanka uga digay Donald  Trump in uu ku dhaqaaqo go’aankaasi oo ay u arkayaan in uu yahay mid qaldan o aan Washington ka fiirsanaynin.

Amiirka Boqrtooyada Sucuudiga Boqor Salmaan ayaa u sheegay Trump in tallaaba noocaan ah o la qaado ka hor inta aan laga gaarin heshiis nabadeed oo kama dambeys ah arrintaan ay dhalin karto falcelin ka timaada muslimiinta.

Madaxweyne Trump ayaa markii uu kujiray ololihiisa doorashada waxaa uu balanqaaday arrimo ay kamid tahay talaabadan oo uu mareykanka u qaadayo aqoonsiga Israel ,balse waxaa muuqataa in ay ka dhalankarto caro ka timaada guud ahaan caalamka Islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...

Duqa Muqdisho oo Salaadda Ciidda kula tukaday Dadweynaha Degaanka Gubadley

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweyne JFS oo Salaadda Ciidda Carrafo la oogay Kumannaan Shacab ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...