Jowhar (SONNA), Madaxweyne ku xiggeenka Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maantaย magaaladda Jowhar, kulan qado sharaf ah ugu sameeyey saraakiil Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka socday, kuwaasi oo uu kala hadlay arrimo ku saabsan amaankaย iyo tababarka Ciidanka amaanka ee ka howlgala deegaanada maamulka Hirshabeelle.
Mudane Cali guudlaawe, ayaa saraakiishii uu kulmay oo loo xilsaaray in hirshabeelle ay kala shaqeeyaan tababarka Ciidamada Booliska kula dardaarmay ย inay ย tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo Ciidanka amaanka ay joogto u ย siiyaan, ayna kaalin weyn ka qaataan nabadeynta deegaanada maamulkaasi.
Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka tirsan ee Hirshabeelle u aaday tababarka Ciidanka amaanka ee maamulkaasi, ayaa qeyb ah qorshaha Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ย ay wado ee ku aadan in Maamulada dalka ka jira laga caawiyo ย ย tababarka ย iyo qalabeynta ย Ciidanka Nabad gelyada ee qaabilsan amaanka gudaha.


