Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo sheegay in la xoojinayo Ciidamada Badda Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SONNA):— Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa sheegay in waxyaabaha shirka Golaha Amniga Qaranka ee shalay ka qabsoomay Muqdisho looga hadlay ka mid ah in la dhiso lana xoojiyo Ciidamada Badda Soomaaliya si loo soo celiyo sharaftii iyo heybadii ay lahaayeen Ciidamada Badda Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga ayaa sheegay in Guddi gaar ah oo ay hogaamineyso Wasaaradda Gaashaandhiga loo saaray dhismaha Ciidamada Badda Soomaaliya,kuwaasi oo qiimeyn ku soo sameeya qaabka ugu fududud ee Qorshahan uu ku fuli karo.

” Waxaa Muqdisho ka qabsoomay shirka Golaha Amniga Qaranka oo warbixin looga dhageystay Guddiga Farsamada ee Amniga Qaranka oo qiimeyn ku soo sameeyay xoogga dalka Soomaaliyeed,sidaasi oo kale Guddiga wuxuu soo jeediyay in qiimeyn taasi la mid ah lagu sameeyo Ciidamada Dowlad Goboleedyada iyo in la dhiso ciidamada Badda Soomaaliya,waxaana loo saaray Guddi gaar ah oo ay hogaamineyso Wasaaradda Gaashaandhiga,waxaana halkaan uga mahad celinayaa Ciidamada Qalabka sida iyagoo daruufo adag ku shaqeynaya hadana u halgamaya Wadankooda,” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga xilliga uu warbaahinta u faah faahinayay shirka Golaha Amniga ee ka qabsoomay Muqdisho.

Shirka oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa ka qayb galay xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug oo howla shaqo oo kale u cudur-daartay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo 34 Sano kadib dib u howlgalisay Maamulka tooska ah ee Boostada Caalamiga ah 

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoonka labada Aqal oo kulan la qaatey Guddiyada dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...

Xidhibaan Qawdhan oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka 

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda...