Dunida Islaamka oo walaacsan go’aanka Trump ee ku aadan aqoonsiga Qudus

Date:

Falastiin(SONNA) Iyadoo Mareykanka uu wado qorshe Magaalada Qudus uu ugu aqaansanayo in ay tahay caasimadda Israel ayaa waxaa soo ifbaxaya walaaca dalalka Islaamka ay arrintaasi ka muujinayaan.

Dowladda Jordan oo kamid ah wadamada bariga dhexe ku yaala ayaa waxaa ay ugu baaqday Mareykanka in uusan ku dhaqaaqin talaabadaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan ayaa Maraykanka uga digay cawaaqib halis ah haddii uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil.

Waxaa uu sheegay Wasiir Ayman Safadi in wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson u yiri ku dhawaaqidda arrintaas waxay keeni doontaa caro wayn oo ay qaadaan Carabta iyo Dunida Muslimka.

Inkastoo Jared Kushner oo uu sodddog u yahay Trump uu sheegayo in uusan weli jirin go’aan noocaas ah oo la qaatay,ayaa hadana Waxaa la isla dhexmarayaa in madaxweyne Trump uu arrintaas ku dhawaaqi doono wakhti dhaw, isaga oo fulinaya ballanqaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ol’olaha doorashada,waxaaan arrintani ay u muuqataa in ay tahay talaabo halis hor leh keeni karto.

“Waxaan kala hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Tillerson cawaaqibka xun ee ka dhallan doona in ay Qudus u aqoonsadaan caasimadda Israa’iil. Go’aankaasina uu keeni doono caro ay qaadaan Carabta iyo Dunida Muslimka oo dhan, taas oo sii hurin doonta xiisadda, carqaladayn doontana dadaallada nabadda”. Ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Tiwitterka Wasiirka arrrimaha dibadda ee Jordan.

Ilaa iyo haatan majiraan waraar rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ee ku aadan wararkan la isla dhexmarayo.

Majdi al-Khalidi oo ah lataliyaha Maxamuud Cabaas Ra’iisul wasaaraha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa Wakaaladda Wararka Faransiiska AFP u sheegay in uu isku dayaya Cabaas in uu raadiyo taageero caalami ah si uusan madaxweyne Trump ugu dhawaaqin arrintaas,wuxuuna xiriir la sameeyey Axaddii hogaamiyeyaasha caalamka oo ay ku jiraan madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo hogaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...