Muqdisho(SONNA):– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagu gorfeeyey xaaladda amni ee dalka, xoojinta wada shaqeynta hayโadaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.
Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee qaybta ka ahaa shirkan ayaa iyaguna madaxda qaranka u soo bandhigay halka ay marayaan qorshayaasha dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xogta ku saabsan howlgallada socda ee dalka lagaga sifaynayo Alshabaab.
Shirkan waxaa ka qayb galaya xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Raโiisul Wasaaraha, Raโiisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug oo howla shaqo oo kale u cudur-daartay.