Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA):– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagu gorfeeyey xaaladda amni ee dalka, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee qaybta ka ahaa shirkan ayaa iyaguna madaxda qaranka u soo bandhigay halka ay marayaan qorshayaasha dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xogta ku saabsan howlgallada socda ee dalka lagaga sifaynayo Alshabaab.

Shirkan waxaa ka qayb galaya xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug oo howla shaqo oo kale u cudur-daartay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...