Ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Yemen oo diiday sheegashada Xuutiyiinta

Date:

Muqdisho(SONNA):– Ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Ali Abdullah Saleh,ayaa beeniyay wararka sheegaya in kooxaha Xuutiyiinta ay la wareegeen gacan ku heynta inta badan caasimadda Sanca,sida ay sheegeen Saraakiisha Hogaamineysa Ciidamada Salah.

Dagaalyahanada Xuutitiinta ee taageerada ka helaya Dowladda Iran ayaa sheegay iney dib u qabsadeen seddex xarun Militari degmada Dilomaasiga iyo xaafado ku dhow,sidoo kale kooxaha Xuutiyiinta ayaa tilmaamay iney la wareegeen magaalada Dhamar oo ku taalo koonfurta magaalada Sanca iyo Gobollada kale ee ka agdhow.

Magaalada Caasimada u ah dalka Yemen ee Sanca ayaa la ruxaneysa rabshado u dhaxeeya taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Abdalla Saalah iyo Mucaaradka Xuutiyiinta (Houthi), Ugu yaraan 40-Qof ayaa lagu soo warramayaa in la dilay tan iyo Arbacadii, iyadoo ay socdaan

Inkastoo isku dhacyo ay dhaceen habeenkii Sabtida ahayd,hadana dadka deegaanka ayaa Warbaahinta maxaliga ah u sheegay in dagaalka uu dib u soo cusboonaaday maanta oo Axad ah.

Marka loo eego warbixinta,isku dhacyada ayaa ka qarxay qaar ka mid ah xaafadaha bartamaha magaalada Caasimadda ah ee Sanca.

Dadka ayaa sheegaya iney maqlayeen dhawaqa Qaraxyo culus oo ka dhacayay Hasba,halka kuwo kale ay sheegayaan in Qolada Isbaheysiga ay duqeyn la beegsadeen xarumo loo badinayo iney ku sugan yihiin Mucaaradka.

Qaramada Midoobay ayaa ka deyrineysa xaaladda dalka Yemen,maadaama ay sii kordhayaan colaadaha iyo saameynta ay reebayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...