Munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay 8-Xisbi siyaasadeed oo ka dhacday Muqdisho+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA):– Munaasabad Shahaadooyinka lagu Gudoonsiinayey Xisbiyo Siyaasadeed kuwaasi oo  ah kuwii ugu horeeyey Xisbi ahaan loo aqoonsado ayaa Maanta ka dhacday Magaaladda Muqdisho, waxaana Shaahaadooyinka Gudoonsiiyey Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Qaranka.

Tiradda Xisbiyadda ayaa ah 7-Xisbi, waxaana Ruqsadda lasiiyey ay tahay mid ku-meel-gaar ah.

Munaasabadda Shagaadooyinka lagu guddoonsiinayay Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano labadda Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, qeybaha kala duwan ee Ururada Bulshadda Rayidka iyo Marti Sharaf kale..

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheeegtay in Gudigu uu dajiyey Qorshe ah qaabka Doorashadda Qof iyo Codkiisa ah loo gaari karo sanadaha soo socda.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ku hadleysay Magaca Xisbiyada Siyaasadeed ayaa sheegtay in dhibaato badan loo soo maray sidii dalka uu Xisbiyado siyaasadeed uu ku yeelan lahaa.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in tani tahay bilowga Doorashadda lafilayo inay Dalka ka dhacdo Sanada 2021.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Maxamed Sheikh Cismaan “Jawaari” ayaa wuxuu sheegay in Nidaamka Xisbiyadda Badan Soomaaliya si weyn ugu baahan tahay loogana gudbi karo waxyaabo badan oo dhibaato ku haya Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...