Shirka Golaha Wasiirrada oo looga Hadlay Amniga iyo Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran qaar kamid ah Dalalka Caalamka

Date:

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa: arrimaha amniga dalka, maxaabiista Soomaaliyeed ee dalalka caalamka ku xiran, iyo ansixinta siyaasado qaran.

Ugu horreyntii Golaha wasiirradu waxay warbixin la xiriirta ammaanka dalka ka dhegeysteen Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, isagoo wasiirku sheegay in xaaladda ammaanku ay aad u wanaagsan tahay, isla markaana, la qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo la qabtay kooxo ku howllanaa falal liddi ku ah ammaanka. Wasiirka ayaa xusay in waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda lagu xuray kaamiradaha ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda inay si degdeg ah u bixiso lacag dhan hal malyuun oo doollar oo dawladdu ugu yaboohday dadkii waxyeelladu ka soo gaartay weerarkii argagaxiso ee 14-kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiiradda ayaa warbixin la xiriirta xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran caalamka ka dhegeystay Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Caddaalada Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Mudane Xasan Xuseen Xaaji, waxayana sheegeen in dhinaca Soomaaliya dhammeeyeen tallaabooyinka loo baahan yahay si loo meelmariyo heshiis ku saabsan maxaabiista oo ay la galeen dalka Hindia, balse, ay dhiman tahay in dhinaca dalka Hindia uu mariyo heerarka iyo hanaanka dawladnimo si loo fuliyo heshiiskaasi. Sidoo kale, wasiiraddu waxay warbixintooda ku sheegeen inay wada-hadal la fureen dalal kale oo ay ku xiran yihiin maxaabiis Soomaaliyeed, kana mid yihiin Imaaraadka, Tansaaniya, Suudaan, Yuugaandha, Liibiya iyo Cummaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyey shirkii Madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa maamul Gobolleedyada ee ka dhacay Muqdisho, wuxuna tilmaamay in guul iyo is-afgarad uu ku dhammaaday, isagoo dhinaca kale tilmaamay in uu meel wanaagsan marayo dhismaha golayaasha deegaanka iyo dawladaha hoose ee dalka si loo daadajiyo maamulka.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa markii ay dhegeysteen, isla markaana ay ka doodeen meelmariyey siyaasadaha qaran ee dhalinyarada iyo maareynta musiibooyinka, oo ay soo gudbiyeen wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo wasaaradda maaraynta masiibooyinka.Siyaasadahan ayaa wax-badan ka tari doona wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo aafooyiinka soo noq-noqda ee dalkeena halakeeya.

—DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...