Guddomiyaha golaha shacabka oo xafiiskiisa kula kulmay Safiirka midowga Yurub.

Date:

Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique  Lorenzo oo ay ka wada hadleen dhowr arrimood oo ku qotoma xaaladaha dalka.

arrimaha ay ka wada hadleen Guddoomiyaha iyo Safiirku waxaa ka mid ah dhameystirka Dastuurka Qaranka iyo sidoo midowga Yurub uu door muuqda uga qaadan lahaa guddomiye jawaari ayaana u sheegay Danjiraha in dowladda Soomaaliya ay dib u egista dastuurka ku saleyn doonto baahida iyo rabitaanka Bulshada Soomaaliyeed.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Yurub ay ka go,antahay in Soomaaliya ay la garab istaagaan taageero dhinacyo badan sida in Qubaro loo soo diro Soomaaliya iyo taageero maaliyadeed intaba si dastuurka loo dhameystiro.

Gudoomiyaha golaha shacabka Mr Jawaari ayaa sidoo kale la kulmay Safiirka dowladda Ingiriiska u Qaabilsan Soomalaiya oo uu kala hadlay sidii dowladda Britain usii kordhi lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...