Sacuudiga oo soo dhaweeyey wadahadallo lala galo Madaxweynihii hore ee Yamen Cali Cabdalla Saalax

Date:

Isbahaysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa soo dhaweeyay hindasa uu soo jeediyay madaxwaynihii hore ee Yamen, Cali Cabdulle Salax, oo dalbaday in wadaxaajood lala galo.

Bayaan ay soo saartay xukuumadda Sacuudiga ayay ku ammaantay rabitaanka mr Salax ee wadaxaajood uu la galo xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo.

Ciidamada madaxwaynihii hore ee Yamen Cali Cabdale Salax iyo Xuutiyiinta ayaa ahaa isbahaysi dagaal kula jira sacuudiga iyo xulufadiisa.

Hogaamiyaha fallaagada Yemen ee gacanta ku haysa Sanca, madaxweynihii hore ee waddanka, Cali Cabdalla Saalax, wuxuu TV u sheegay inuu doonayo inuu wadahadal la yeesho xulafada uu Sacuudigu horseedka ka yahay ee taageeraya dawladda caalamku aqoonsan yahay.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxa uu dagaal ka dhex qarxay Xuutiyiinta iyo xoogagga taabacsan mr Salax.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa cambaareysay soo jeedinta madaxwaynihii hore ee Yamen uu soo jeediyay wadahadal lala galo Sacuudiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...