Wasiirka cusub ee Difaaca Soomaaliya oo maanta xilkiisa la wareegay

Date:

Muqdisho (SONNA) Munaasabadan uu xilka kula wareegayay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho,  waxaana ka qeyb galay Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga, guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaano,Taliyaha ciidanka Xooga Dalka,saraakiil,Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya,iyo diblomaasiyiin kale.

Waxaa munaasabadaasi lagu soo bandhigay suugaan ka tarjumaysa gubaabada ciidamada iyo ahmiyadda difaaca dalka taasi oo ay soo bandhigeen kooxda Horseed ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa munaasabdda ka sheegay in uu qorsheynayo xoojinta tayaynta iyo dhismaha ciidanka Xoogga Dalka,maadaama ay muhiim ay u yihiin difaaca Dalka.

Dhawaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre wuxuu u magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan in uu noqdo Wasiirka Gaashaandhigga wuxuuna bedelay C/rashiid C/llaahi Maxamed oo dhawaan xilkaasi iska casilay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...