Shirka dib u eegista sharciga SHaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed oo garoowe ka furmay+Sawirro

Date:

Garowe(SONNA) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulahi Xaaji Cumar Camey ayaa  si rasmi ah uga furay  magaalada Garowe ee Caasimada Puntland Shirka dib u Eegista iyo ka wadatashiga Sharciga  Shaqaalaha  Rayidka ee L11 oo ay soo diyaarisay  wasaarada shaqada iyo Arrimaha Bulshada dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Waxaa shirkan daah-furkiisa soo qaban qaabiyay Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeybgalaya Wasiirada Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo ka wada-tashan doono sharciga shaqaalaha rayidka ah oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha DF Soomaaliya.

Inta uu socdo shirkaasi ayaa waxaa siweyn diirada loo saari doonaa dib u eegista sharciga shaqaalaha rayidka,iyadoo lafilayo in ugu dambeyntii laga soo saaro qodobo wax ku ool ah.

Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka ayaa maalinimadii shalay aheyd gaaray caasimadda Puntland ee Garowe waxaana  ay soo dhaweyn kadib kormeereen dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Garowe kaasi oo lafilayo in dhawaan xarigga laga jaro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...