Maamulka G/banaadir oo dib ugu celiyey dhul si sharci darro ah looga heystay caruurta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ku guuleeystay in uu dib ugu soo celiyo Dhul ay leeyihiin   allaha u Naxariistii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed Caruurtiisa oo ku yaalla Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir, dhulkaas oo  in muddo ah si sharci darro ah lagu heystay.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa Sheegay in Qof muwaadin ah aan laga heysan Karin Hantidiisa, Wuxuuna Balan ku qaaday in  loo Dulqaadan doonin shaqsi Guri uusan laheyn si aan sharci darro ah ku heysta, lagana qaadi doono.

Fulinta howshaan,  ayaa goob joog waxaa u ahaa Maamulka Degmadda Wadajir, Xilibaano, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameed, qaar ka mid ah Caruurtii uu dhalay allaha unaxariistee Maxaweynihii hore ee Soomaaliya,  Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay doorashada Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Aqalka Sare oo kormeer ku tagay Hay’adda SoDMA.

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani'aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...