Wasiir Eng. Yarisow oo hay’adaha QM ka codsaday inay xoojiyaan doorka dowladnimo ee Soomaaliya 

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin kooban oo ku aadan horumarka warbaahinta dalka u gudbiyey hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan saraakiishooda warfaafinta u qaabilsan.

Wasiir Eng. Yarisow oo kulan la qaatay saraakiishan Qarmada Midoobey ayaa u sheegay in Soomaalidu ay yihiin dad aad u jecel warbaahinta, loogana baahanyahay inay dadaalkooda warbaahinta uu noqdo mid taageeraya qorsheyaasha dowlada federaalka ee ku aadan horumarinta warbaahinta dalka.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan idinkaga mahadcelinayaa dadaalkiina ku aadan sidii shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa waxqabadka hay’adaha Qaramada Midoobey iyo horumrka dalka ka jira. Hase yeeshee waxaa loo baahanyahay in dadaalkiina uu noqdo mid waafaqsan qorshaha iyo istraatejiyada warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya si waxqabadkiina u noqdo mid dhiirigelinay hay’adaha dowliga ah si shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan in Dowladooda ay horumar joogta ah sameyneyso.”

Shirkan ayaa ahaa mid labo cisho u socday saraakiisha warfaafinta u qaabilsan dhamman hay’adaha QM ee dalka k howlgala oo ay ku diyaarsanayeen qorshe sanadeedkooda. Wasiir Yarisow ayaa ku ammaanay hay’adaha QM doorkooda ku aadan inay caalamka u soo jeediyaan sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa iyo doorkooda adeegyada aasaasiga ah, kana codsaday in dhammaan adeegyada ay fuliyeen loo baahanyahay inay si dhow oo toos ah ugala shaqeeyaan hay’adaha Dowlada Federaalka ah si loo xoojiyo awooda dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii siiyey warbixin faahfaahsan oo ku aadan horumarka warbaahinta dalka, qorsheyaasha iyo istraatejiyada Wasaarada Warfaafinta ee Dowlada Federaalka, kana codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Warfaafinta oo u xilsaaran horumarinta warbaahinta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...